Kulamdii SAYPA ee bilaha September iyo October 2017

Urur goboleedka SAYPA oo ay ku bohoobeen waalidiinta Soomaalida degan Boston iyo nawaaxigeeda ayaa qabtay xafladihii bilaha ahaa, kuwaasoo ka kala dhacay Jeep Johns Park (Timilty) iyo IHOPka xaafada Brighton.

Xaflada ka dhacday barxada Timilty ayaa ahayd mid ay dhalintu ku gorfeenayeen mustaqbalkooga dhaw ee waxbarasho, halka xaflada ka dhacday IHOPka Brighton ay ahayn mid ay waalidiintu kula casheenayeen dhalintooda dhigata dugsiyada sare iyo Jaamacadaha magaalada Boston iyo nawaaxigeeda.

Madaxa SAYPA Samira Axmed oo aanu wax ka waydiinay xafladahan kala duwan ee goobaha kala duwan lagu qabanayo cida ka taakulaysa uruka SAYPA ayaa noo sheegtay inay waalidiinta Soomaali ahaan ku filan yihiin inay dhalintooda u qabtaan  xafladahan oo kale.

 Phone: (617) 910-7572
 email: info@saypa.org
 Fax: (617) 921-3989

You Might Also Like