Xaflad sandeedkii Jaaliyada Soomaalida reer Boston ee SAYPA 2020 oo hirgashay wiigan.

Iyada oo ay wali jirto cabsida uu ku hayo aduunka cudurka Covic 19 ayaa waxaa suuro gashay in urur jaaliyadeedka Soomaaliyeed ee SAYPA ku guulaystay inuu hirgaliyo xaflad sanadeedkii uu u qaban jiray jaaliyada dhamaadka wakhtiga Xagaaga magaalada Boston ee carigan dalka Maraykanka.

Ugu horay waxaa furtay xafladaa madaxa SAYPA Samowadaha dhalinta Soomaaliyeed (Samira Ahmed) waxaa kale oo qudbad dhiiro galin ah kasoo jeediyay Saciid Boston, waxaa kale oo ka hadlay dhalintii nasiibka u heshay inay u shaqeeyaan SAYPA sanadkan iyo waliba waalidiinta Soomaaliyeed oo ugu Horeeyo Garaad Food.

Waxaa sidoo kale dhacay isku aadaadkii 1aad ee Kooxaha Horseed, Madbacada, Dekadaha, Heegan, Jeenyo iyo Gaadiidka.

Hadaba nala daawo qayb kamida xafladaa oo lasoo koobay.

 

You Might Also Like