Waxaa soo Gabogaboobay Kulan Xafladeedkii SAYPA bishan May 2017 Maxaa dhacay?Habka loo Doono Gabdhaha iyo Habka Laysku Siiyo.

Malinnimadii Axada ee bishu ku beegnayd 05-07-2017 ayaa waxaa la qabtay kulankii Jaaliyada ay u qabanqaabiyaan Gudida Walidiinta iyo Dhalinta soo korasa ee magaalada Boston SAYPA.

Kulankan oo lagu soo bandhigay Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu xabaarsanaa habka dadka Soomaalidu u kala doontaan Gabdhaha iyo habka laysku siiyo taasoo ay jileen ruwaayad ay dhalintu ku matalayeen arintaa.

Waalidiinta ayaa iyaguna ka wada hadlay waxyaabihii kusoo kordhay jaaliyada mudadii bisha ahayd ee aysan kulmin. Dhalinta soo korasa ayaa iyagu si wayn ugu diirsaday xafladaa.

Mar aan wax ka waydiinay madaxa SAYPA Samira A Ahmed xafladan xaflada xigta ayay noo sheegtay in ay soo galaso bishii barakaysneed ee Ramadaan sida awgeed ay xaflada xigta ay dhici doonta bisha June 26, 2017. Hadii ALLE idmo.

 

SAYPA.ORG

You Might Also Like